Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji ayaa wareysigii ugu horeeyay ee lala yeeshay ku weerarray agaasimaha cusub ee Hay’adda NISA uga danbeeyay Mahad Maxamed Salaad.
“Madaxweyne Xasan Sheekh aqoon uma laha Mahad Salaad, haddii uu si fiican u garan lahaa uma magacaabin NISA” ayuu wareysiga ku yiri Fahad Yaasiin oo dhinaca kale si toos ah faragelin ugu sameeyay Hay’adda NISA, isagoo saraakiisha NISA ka dalbaday inaysan sirta Qaranka la wadaagin agaasimaha cusub ee Mahad Yaasiin.
“Saraakiisha NISA haddii ay la wadagaan Sirta Qaranka Agaasimaha cusub ee NISA Mahad Salaad, wuxuu la mid yahay qof sirtii Qaranka u dhiibay qofkii laga ilaalinayzy…” ayaa laga soo xigtay Agaasimihii hore ee NISA oo wareyiga uu ku sheegaya.
Fahad Yaasiin oo ra’iisal wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ku tilmaamay ‘Milkiilaha dowladii Farmaajo’ iyo ninka dhibaatada ugu badan ka socotay ayaa xiriir dhow la lahaa dowladda Qatar, isagoo hore usoo noqday weriye ka howlgala Telefishanka Aljazeera.
Wareysigan oo uu qaaday weriye ku dhowaa kooxdii Farmaajo ayaa lagu soo beegay munaasandda caleemo-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana hordhiciisa uu muujiyey inuu yahay wareysi si toos ah loogu weerarrayo qaar ka mida madaxda dowladda cusub, isagoo ka tarjumaya siyaasadii uu dalka ku xukumayey Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo sida Fahad Yaasiin u ahaa qofkii hagayey dowladaasi.

