Fal-celin iyo jawaabo kala duwan oo diidmo u badan ayaa laga bixiyey wareegtadii uu maanta soo saaray Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, taasoo lagu sheegay in la hakiyey awoodaha Ra’iisal wasaaraha.
Siyaasiyiin, Mushariixin iyo xubno isugu jira wasiiro iyo xildhibaanno ayaa ka hadlay awoodda uu Madaxweynaha u leeyahay inuu faragelin ku sameeyo xilka Ra’iisal wasaaraha, xilli uu isagu xilkii ka dhammaaday, waxaan soo qaadaneynaa qaar ka mida fal-celintii falkii Maxamed Farmaajo.
Xildhibaan Cabdisaabir Shuuriye: “Markii aan arkay Wiiftada uu soo tuurey galabta Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday Mudane Farmaajo, waxa aan soo xasuustay oraah aan maqli jirey hadda kahor uu ku Cataabay nin rajo beel ku dhacday oo yiri: “Waxba dhowran meynee rabbow dhagaxyo soo daadi!” Ninkaani laba mid buu ahaa mid xishood laawa ah oo wax walba oo dhaca aan kala jecleyn ama nin dagaal u diyaar garoobay oo wax walba ha dhaceene wax aan biloowno yiri!!!”
Musharax C/raxman C/shakuur Warsame: “Farmaajo waxaan leenahay wiilasha ku leh dhar aan loo jeedin ayaan kuu xiraynaa,yaysan ku ceebaynin. Rooble waxaan leenahay waa la wada arkaa in ay odaygu marada ka dhacday, oo eryiddii Fahad ayaad dadka ku tustay in uu qaawan yahay ee intaas ugu sin”
Wasiir hore Cabdi Faarax Juxa: “Madaxweyne Farmajo: “Aniga ama waxba”.Qalinka Farmajo khad sharciyadeed ma laha,Warkiisuna wuxuu keli ah ka dhigan yahay aan is-dillo.Xilligan cidda keli ah oo haysata heshiis siyaasadeed oo ay u dhan yihiin Dawlad-goboleedyada iyo mid sharci oo ah xilgaarsiin waa Xukuumadda RW Rooble. RW Rooble ayey xilliga kala guurka ah saaran tahay amaanada iyo kalsoonida Soomaaliduba. Awood-dhimis RW waa erey cusub oo Farmajo kusoo kordhiyey luuqadda siyaasadda Soomaalida.Dawlad-goboleedyada, shacabka Soomaalida iyo Beesha Caalamkuba waa inay is-garab taagaan RW Rooble si uu dalka doorasho u gaarsiiyo”.
Wasiir hore, xildhibaan C/llaahi Goodax Barre: “Waxaan aad uga xumahay xaaladda cakiran iyo jahwareerka uu dalka geliyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday. Waa sharci darro wuxuu maanta sameeyay, mana jirto meel ay uga qoran tahay Dastuurka KMG inuu shaqada ka joojin karo Ra’isul Wasaaraha XFS.
Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir Thabit Cabdi Axmed: “Ninkii geedka tab looga dago garan waayay ee ka soo dhacay, baa laga hayaa “Dagashadaba ka Fudud.” Villa Somalia oo markii horeba qaaday waddo dhammaadkeedu cirif tahay, ayaa maanta cirifkii iska tuurtay, waana meesha uu damaca dhukan iyo ku tagrifal awood ku idlaado. Madaxweyne sharciyad ku jooga ayaanan laheyn awood dastuuri ah ee uu ku hakin karo ama xil uga qaadi karo Raisulwasaare, iskaba daayee isaga oo muddo xilleedkiisii dhammaaday”
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad: “Duqii Farmaajo ahaa wlhi waa wareeray. Hada wixii ka dambeeya gacanta inla haayo ayuu u baahanyahay si uusan xaafadiisa uga lumin!”
Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho: “Tallaabada uu maanta qaaday Madaxweynaha muddo xilkeedkiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo, ay tahay sharci darro. Mana jirto meel ay Dastuurka KMG ah uga qoran tahay inuu Madaxweyne shaqada ka joojin karo Ra’iisal Wasaaraha Warqadda uu soo saaray Farmaajo waa is-miidaamin siyaasadeed, falaad iyo foori diiran, sii hurin khilaafkii siyaasadda iyo abuurista jawi keena qalalaase amni“.
Wasiir iyo Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye: “Dastuurka KMG ah qodobadiisa waa cad yihiin xarfihiisa T J X KH D R yaan la isku marin habaabin. Haddaan mid kaliya ka soo qaato, madaxweynaha awoodiisa Dastuurka ugu qoran waa mid kaliya oo ah hebel hebel ama fulaan fulaan ayaan u magacaabay Ra’iisul Wasaare, laakiin qofka uu magacaabo kuma noqon karo Ra’iisul Wasaare magacaabista madaxweynaha kaliya oo taasi awoodiisa kama mid aha, waa laga diidi karaa qofkaas ama wuxuu heli karaa xasaanada Golaha Shacabka”.
Cali Cabdullaahi Cosoble, madaxweynihii hore ee Hirshabeelle: “Madaxweyne M A Farmaajo waxaan kugula talinayaa inaad ka joogo khaladaadka aad sameyneyso. Waxaad ku socotaa waddadii Mad Cabdullahi Yusuf (au) ee sababtay in ay beesha caalamka soo farageliso arrimaha Soomaaliya, una aqoonsatay inuu caqabad ku yahay geeddi socodka nabadda (spoiler) ayadoo ka dalabtay inuu ka dego xilka (is casilo)”.
