Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la sheegay inuu ka danbeeyay mudadda dheer ee uu wakiilkii Midowga Afrika ee Soomaaliya xilka ka hayey Soomaaliya.
Xildhibaanka dooran C/raxmaan C/shakuur Warsame, ahna musharax madaxweyne ayaa isagoo ka fal celinaya go’aankii uu Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble dalka uga eryay Franciis Maderia wuxuu sheegay in laba jeer oo Midowga bedeli lahaa Wakiilkani uu Farmajo codsanayey in xilka loo cusbooneysiiyo.
“Ugu yaraan 3 safiir oo Qaramada Midoobay Soomaaliya u qaabilsan, 3 Ingiriis ah, 3 Midowga Yurub ah, 3 Swedan ah iyo 3 Talyaani ah oo ka tirsan safiirada C6+ ayaa isbedelay 7dii sano ee uu Ambassador Madeira dalka joogay. Horay uma dhicin safiir Midowga Afrika ka socda oo 3 sano ka badan dalka joogay” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo sheegay in muddo 7 sano ah oo xilkaas ku sugnaa Maderia.
Wuxuu sii raaciyey : “Waxaan kaloo xog ku haynaa in labo jeer oo la bedeli lahaa uu Farmaajo codsaday in xilka loo cusboonaysiiyo. Madeira si curfiga diblomaasiyadda ka baxsan oo aan sariig lahayn ayuu isku soo qaawiyey. Cidna ma eryin ee isaga ayaa afkiisa isku eryey”.
C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in dhowr jeer oo ay mucaaradku ka gudbiyeen ashtako la xariirta hab dhaqankiisa xeerka diblomaaasiyada khilaafsan iyo xiriirka mugdiga leh ee kala dhexeeya madaxweynaha xilkiisa dhamaaday, ay dhacday inuu Farmaajo daafacay.