Sunday, June 22, 2025

Farmaajo iyo Sheekh Shariif: “Marnaba ma aqoonsan doonno Dastuur aan lahayn Sharciyad”

Madaxweynayaashii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Shariif Aheekh Axmed oo qoraal wadajir ah soo saaray ayaa digngintii ugu danbeysay kasoo saaray Datstuurka wax ka bedelka lagu sameeyay ee la filayo in xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka ay Berri ansixiyaan.

Shariif iyo Farmaajo oo ah xildhibaano ka tirsna Golaha Shacabka ayaa qoraalkooda ku sheegay in Natiijada la sii ogyahay ee ay qorsheeyeen Madaxtooyada iyo Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inay ka soo baxdo fadhiga Labada Aqal ee loo ballansan yahay maalinta Sabtida ah 30ka Maarso 2024, ay caddyneyso in Madaxweyne Xasan Sheekh aanyn danaynaynin wada jirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Qorshaha haatan socda ee Madaxweynuhu uu ku doonayo in uu kula wareego awoodaha Baarlamaanka iyo Guddoonka Labada Aqal ee la xisaabtan la’aanta xukuumadda, doorka hoggaamineed ee Ra’iisul-Wasaarah iyo hannaanka doorashooyinka, gaar ahaan masuuliyadaha heer xukuumadeed iyo heer dowlad-goboleed ee soo xulista Guddiga Doorashooyinka waa mid caddeyn u ah nooca dastuurka iyo doorashooyinka uu doonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud. ayaa qoraalka labada mas’uul ka mid ahaa.

Ad

Dastuurkan la rabo in la meel mariyo ayey sheegeen inuusan haysanin aqbalaad bulsho, iyo heshiis umadeed. “Marnaba uma aqoonsan doonno dastuur leh sharciyad iyo dhaqangal, maadama uusan ka turjumeynin xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo qodobbadii tiir-dhexaadka u ahaa dib u heshiisiintii siyaasadeed ee ummadda Soomaaliyeed, sida awood qaybsiga”.

waxay ugu baaqeen Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inay ka waantoobaan, kuna soo celiyaan Golaha shaqada ay wakiilka uga yihiin shacabka Soomaaliyeed ee ah ilaalinta sharciga iyo midnimada dalka.

Haddii Madaxtooyadu ay ku sii dhago adeygto qorshahan halista ku ah qarannimada Soomaaliyeed waxaa muhiim ah in la isugu yimaado shir wadatashi oo ay ka soo qeyb-galayaan masuuliyiinta iyo daneeyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliyeed, kaas oo lagu ilaalinayo dowladnimada iyo midnimada dalkeenna iyo dadkeena.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON