Monday, June 23, 2025

Farmaajo oo Ciidamo Dul dhigay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha iyo Afgembi ka socda Madaxtooyada

Ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa tegay xafiiska Ra’iisal wasaaaha si ay u fuliyaan amar uu bixiyay Farmaajo.

Wararkii ugu danbeeyay ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamo wata Gaadiidka Gaashaaman lagu go’doomiyay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha, iyadoo ujeedku yahay in awood loo adeegsado, loogana joojiyo shaqada.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta C/raxmaan Yuusuf Al-cadaalla ayaa xaalada ka socota madaxtooyada ku tilmaamay qoraal kooban isagoo yiri: “Waxa socda saaka waa afgambi dadban mase guulaysanayo. RW Rooble wuxuu leeyahay Xafiis shaqo oo uu Dastuurku Fariisiyay. In Ciidan Sharci darro lagu geeyo si looga hor istaago waxeey furaysaa albaab cusub mana shaqayndoonto insha allaah.”

Arrintan ayaa ka danbeysay markii uu xalay Faraajo soo saaray wareegto kale oo uu ku sheegay inuu xilkii ka qaaday Ra’isal wasaare Rooble, kana joojiyay shaqadii.

Inuu awood ciidan adeegsado si uu u fuliyo xil ka qaadista Rooble waxay mar kale xaaladda ka dhigeysaa mid halis ah oo qarka u sharan iska hor imaad milateri.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON