Sunday, June 29, 2025

Farmaajo oo Digniin kasoo saaray Doorashada, Xaflad ku-celis ahna ku xusay Maalinta Booliska

Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta ka qeyb galay xus ku celis ah oo maanta loo sameeyay Booliska Soomaaliyeed, xilli maalinta Booliska lasoo dhaafay, loona dabaaldegay 20-kii Disembar.

Xafladda oo ka dhacay Xarunta Booliska Jen. Kaahiye ayuu Farmaajo ka jeediyey khudbad uu uga hadlay taariikhda iyo waxqabadka ciidamada Booliska, wuxuuna dalacsiin u sameeyay sarakiil ka tirsan ciidamada Booliska oo uu ka mid yahay taliyaha G/Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole.

Farmaajo oo ka hadlay xaaladda Doorashada ayaa sheegay inay duruuf ku timid Doorasho dadban, balse ay jeclaayeen Doorasho qof iyo cod ah. Wuxuu intaas ku daray inuu aamisan yahay in Ra’iisal wasaaraha iyo madaxda maamul Goboleedyada ay qabteen wax fiican oo ay dadaaleen, laakiin ay duruufo iska jiraan, sida dhaqaalaha iyo farsamo.

“Doorasho Dadban markii la yiri, iyadaaba muran ku dhisan, waaba Doorasho dadban, marka in la is qanciyo oo la wada shaqeeyo ayey wax noogu hagaagi karaan.. Heshiiskii 17 Septembar waxaan rajeynayaa inaan waxba laga bedelin oo hore loogu socdo.. waxyaabihii la isku qabtana si walaaltinimo ah looga wadahadalo, laakiin asaaska uu ku dhisan yahay waa in la iska ilaaliyo in wax laga bedelo..” ayuu yiri Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka hadlay arrimaha doorashada.

Wuxuu sheegay in waxa yaalla ay yihiin doorasho dhacda oo la dardar geliyo sidii ay ku dhammaan lahayd, taasina uu rajeynayo inay ka timaado Ra’iisal wasaaraha iyo madaxda Maamul Goboleedyada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON