Thursday, July 31, 2025

Farmaajo oo laga cabsi qabo inuu Qaadaco Doorashada Madaxweynaha iyo Go’aanka Guddoonka…

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee xilka banneynaya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa laga cabsi qabaa inuu qaadaco doorashada Madaxweynaha Soomaaliya e lagu wado inay dhacdo 15-ka May 2022.

Xogta laga helay Madaxtooyada ayaa sheegeysa in Farmaajo iyo kooxdiisa ololaha doorashada ay jug weyn ku noqotay go’aanka guddoonka Golaha Shacabka ku sharciyeeyay xildhibaannada lagu soo doortay Ceelwaaq.

Kooxda Farmaajo ayaa ku kala qeybsan sida looga jawaabayo go’aankaasi iyo inay ka harayaan Doorashada, waxaana la filaya inuu Qoraal culus kasoo baxo Xafiiska Farmaajo.

Sharciyeynta xildhibaannada Ceelwaaq ayaa jab weyn iyo sagootin ku ah Maxamed C/llaahi Farmaajo oo muddo laba sano ah dagaal ugu jiray inuu helo codadka 16-ka xildhibaan ee Gobolka Gedo.

Wararkii ugu danbeeya ayaa sheegaya in Farmaajo uu shaacin doono musharaxnimadiisa xilka madaxweynaha saqda dhexe ee caawa, iyadoo arrinta xildhibaannada Gedo uu ku fashilmay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON