Thursday, June 8, 2023

Farmaajo oo laga sagootiyey Villa Somalia iyo Ballanqaad uu siiyey Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ugu danbeyn ka huleeyay Madaxtooyada Soomaaliya, kadib muddo ka badan 5 sano oo uu ku sugnaa.

Kadib xaflad xil wareejin iyo maamuus ah oo ka dhacday Villa Somaliya, waxay Farmaajo iyo xaaskiisa socod gaaban oo lug ah uga baxeen Hoyga iyo xafiisyada Maxdaweynaha ee Madaxtooyada, sagoo Gaadiid ay wehliyaan ciidamo ka raacay iridka Madaxtooyada.

Farmaajo ayaa Guri looga diyaariyey agagaarka garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo ah aagga ay degan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka oo si weyn uga horjeeday siyaasadda Farmaajo oo kula tartamay doorashadii Madaxweynaha.

Ad

Farmaajo ayaa balanqaaday inuu la shaqeyn doono, gacanna siin doono Madaxweynaha cusub, isgoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay taageeraan.

Dhinaca kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Farmaajo yahay oday Soomaaliyeed oo xurmad weyn ku leh dalka, isagoo ballanqaaday in lagala tashan doono arrimaha dalka, wuxuuna uga mahad celiyey kalsoonida iyo taageerada uu siiyey.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!