Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigii la socday ayaa lugtii labaad ee socdaalkiisa ka bilaabay maamulka Galmudug.
Madaxweyne Farmaajo ayaa u gudbay duhurtii maanta Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug ka taliso, iyadoo si diiran loogu soo dhoweeyay, waxaana soo dhoweynta ka qeygalay madaxda Galmudug oo uu horkacyo Madaxweyne Xaaf iyo madaxdad dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo guddoomiye ku xigeenka Aqalka sare.
Madaxweyne Farmaajo ayaa goor dhoweyd dhagax dhigay dhismaha wadadda isku xirta Gaalkacyo iyo Hobyo oo ah mashruucii ugu horeeyay ee uu Galmudug ku dhagax dhigo.
SAWIRRO