iyadoo ay toddobaad ka harsan tahay xilliga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya 2022, ayaa waxaa soo baxaya baaqyo qaar ka mida musharixiinta loogu yeerayo inay ka haraan tartanka.
Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo oo muddo sanad iyo dheeraad ah Villa Somaliya ku sugnaa isagoo aan sharciyad heysan ayaa hadda loo jeediyey baaq ah inuu sumcadda yar ee u harsan badbaadsado, kana haro doorashada.
“Xataa haddii ay si lama filaan ah u dhici karto inuu Farmaajo uu ku guuleysto doorashada, uma jeedo si uu dalka u maamuli karo. Farmaajo wuxuu dalka iyo mustaqbalkiisa siyaasadeedba ka badbaadin karaa dhibaato. Waxaan ugu baaqayaa Farmaajo inuu ka tanaasulo musharaxnimadiisa oo uu xoogga saaro abaabulka dhaq-dhaqaaqiisa N&N sidii uu ka dhigi lahaa xisbi siyaasadeed” sidan waxaa farriin uu Farmaajo u diray ku yiri Maxamed Geeldoon oo ah qoraa iyo falanqeeya xaaladda Soomaaliya.
Farmaajo ayaa shaki badan laga muujiyey musharaxnimadiisa, waxaana uu maalmo ka hor bilaabay ololihiisa doorashada, iyadoo saaxiibadau dhow ay sheegeen inuu ku adkeysanayo inuu mar kale u tartamo xilka Madaxweynaha.
