Friday, April 19, 2024

Farmaajo oo Midowga Afrika u sheegay inay Soomaaliya horumar weyn ka gaartay dhinaca Amniga

Madaxweynaha muddo xilkeedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirka 35-aad ee Midowga Afrika ka sheegay inay Soomaaliya horumar weyn ka gaartay dhinaca amniga iyo dagaalka Alshabaab.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey shirka Addis ababa ayaa sheegay in dowladiisa ay guulo la taaban karo ka gaartay dagaallanka argagixisada iyo nabad kusoo dabbaalidda Dalka, ayna muhiim tahay in meel looga soo wada jeesto dabargoynta arxanlaaweyaasha Alshabaab iyo ururrada kale ee argagixisada ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaliya ay ka go’an tahay la wareegidda masuuliyadda amnigeeda qaran, una diyaar garoobeen fulinta heshiiskii ay dowladda Soomaaliya iyo Golaha Nabadda iyo Ammaanku gaareen eea la wareegidda amniga .

Ad

“Soomaaliya waxa ay sannadihii la soo dhaafay ku tallaabsatay horumar ballaaran oo dhanka amniga, dib-u-dhiska ciidanka iyo wiiqidda awoodda argagixisada Alshabaab, waxa ayna taasi keentay in soomaaliya ay hadda soo gaartay xilligii ay si buuxda u la wareegi lahayd masuuliyadda amnigeeda qaran.” ayuu khudbadiisa ku yiri Farmaajo.

Farmaajo oo muddo sanad dheeraad ah xukunka sii jooga markii ay dhammaatay muddo xileedkiisii 4-ta sano ee sharciga ahaa ayaa wajahaya xaalad adag oo gudaha dalka ah, isagoo khilaaf kala dhaxeeyo Ra’iisal wasaaraha oo maamulada Doorashada dalka.

Shir madxeedka Midowga Afrika ayaa looga hadlayaa mustaqbalka Qaaradda Afrika, Amniga iyo xal u helidda saamaynta COVID-19.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON