Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa isu diiwangeliyey Musharnimada xilka Madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii uu xalay ku dhawaaqay inuu mar kale u tartamayo xilkaasi.
Farmaajo oo ay yar tahay inuu dibadda uga baxo Villa Somaliya ayaa tegay xarunta Aqalka Sare oo ay ka socoto diiwaangelinta Mushrixiinta Madaxweynaha, waxaana la guddoonsiiyey Shahaadada musharxnimo ee xilka Madaxweynaha.
Tirada ilaa hadda isu diiwaangelisay Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee la siiyey shahaadada musharaxnimo ayaa sare u dhaaftay 31, waxaana la filayaa inay tiradu kororto.
Liiska Musharixiinta sida rasmiga ah u qaatay Shahaadadda musharixiinta ayaa kala ah:
1- Shariif Sheekkh Axmed
2- Daahir Maxamuud Geelle
3- Xasan Cali Kheyre
4- Cabdulqaadir Cosoble Cali
5- Bashiir Xaaji Cali (Jamaal)
6- Cabdullaahi Cali Xasan
7- Cabdinuur Sheekh Maxamed
8- Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
9- Cabdikariim Xuseen Guuleed
10- Cabdiraxmaan Macallin Axmed Ablaal
11- Xasan Sheekh Maxamuud
12- Saciid Ciise Maxamuud
13- Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi
14- Axmed Ducaale Geelle Xaaf
15- Mahad Axmed Diiriye
16- Muqtaar Maxamed Sayid
17- Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi
18- Fowsiya Yuusuf Xaaji Adam
19- Maxamuud Daahir Aweys.
20- Ridwaan Xersi Maxamed
21- Nucmaan Sheekh Cumar
22- Cumar Cabdiqaadir Axmed
23- Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jaahwayn)
24- Cabdi Aadan Hoosow
25- Jamaal Axmed Ibraahim
26- Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi)
27- Cabdi Maxamed Kuusow
28- Cabdullaahi Cali Axmed (Caddow Cali Gees)
29- Xuseen Cabdi Nuurow
30- Jabriil Ibraahim Cabdulle
31- Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
