Thursday, June 26, 2025

Farmaajo oo soo saaray Xeer Xukuumadda looga joojinayo inay gasho Heshiisyo xilligan.. (Akhriso)

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray xeer Madaxweyne oo uu ku joojinayo in Hay’adaha Dowladdu ay galaan heshiis ama is af-garad kasta oo taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka.

Qoraal kasoo baxay Caawa Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Maxamed Farmaajo oo tixgelinaya duruufaha siyaasadeed iyo habsami u socodka hannaanka doorashooyinka dalka, waajibaadka dastuuriga ah ee Goleyaasha Barlamaanka oo leh hubinta, xaqiijinta iyo qiimeynta heshiisyada iyo is-afgaradyada dalkeenna uu la galayo dalalka kale, hay’adaha iyo shirkadaha caalamiga ayaa soo saaray qodobbadan:

1. Waxaa Xeer Madaxweyne lagu hakiyey, ilaa doorashada kaddib, heshiisyada Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya sida Xukuumadda iyo laamaha kale ee fulintu ay la galayaan dalalka kale, Hay’adaha iyo shirkadaha caalamiga ah.

2. Waxaa reebban, ilaa doorashada keddib, in Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee Dowladda ay magaca Dowladda Federaalka Soomaaliya ku galaan is-afgarad ama wadahadallo saameynaya mustaqbalka dalka, madax bannaanida qaranka, seeraha dhuleed iyo badeed ee dalkeenna.

3. Waxaa la joojiyay in heshiis ama is-afgarad ganacsi lala galo dowlado kale inta doorashooyinka dalka lagu guda jiro.

4. Sida ku caddeyd warsaxafaadeedkii kasoo baxay Madaxtooyada Jamhuuriyadda 19kii Jannaayo 2018 oo qeexayay inaan la bixin karin hantida danta guud, lana saxiixi karin heshiis kasta oo ku saabsan kala wareejinta, kireynta iyo qaab kasta oo la xiriira ka macaashka hantida danta guud.

5. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray dhammaan Hay’adaha Dowladda in ay ilaaliyaan sharafka, qarannimada iyo horumarka lagu tallaabsaday sanadihii u dambeeyay.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo Berri lagu wado inay magaalada Muqdisho timaado Wasiiiradda arrimaha dibadda dalka Kenya oo warar kala duwan kasoo baxeen socdaalkeeda; waxayna wareegtadan si toos ah u taabaneysaa Ra’iisal wasaare Rooble oo la sheegay inuu casuumay wafdiga Kenya, kuna sii jeeday dalkaasi.

Farmaajo ayaa hore u diiday inuusoo saaro qoraal uu ku xadiddayo awoodihiisa sida magacaabista xilalka, dalacsiinta iyo awoodaha madaxweynaha kadib markii uu dhammaaday xilligiisa oo ku ekaa 8 Febraayo 2021.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON