Sunday, July 13, 2025

Farmaajo”: Waa in loo dhammeystiraa Doorashadu, si waafaqsan heshiiskii 17-kii Septembar”

Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray qoraal uu ugu hambalyeeyay gudashada Dhaarta Dastuuriga ee maanta la dhariyey xildhibaannada labada aqal.

Farmaajo oo ka hadlaey kuraasta harsan ee Doorashada, siiba Gobolka Gedo ayaa tilmaamay muhiimada ay leedahay in loo maro heshiiskii Doorashada ee ugu horeeyay Septermber, sanadkii 2020.

“Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda ay dalka u leedahay dhammeystirka doorashadu, si waafaqsan heshiiskii 17-kii Sebteembar ee ay ku heshiiyeen Madaxda Madasha Wadatashiga Qaranku, ayna meel mariyeen Labada Aqal ee Barlamaanka JFS, kaas oo saldhig u ah fulinta doorashooyin wadar-ogol ah” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Farmaajo ayaa farriin u diray xildhibaanada cusub ee labada Aqal, isagoo u sheegay inay dhammeystiraan dadaalkii uu Barlamaanka 10aad ku bixiyay meel marinta hindise sharciyeedyo waxtar u leh dowlad dhisidda kuwaas oo hortabin u leh sii ambaqaadida isbadallada socda ee amniga, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ee lagu tallaabsaday sanadihii ee lasoo dhaafay.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyey Xildhibaannada Labada Aqal ee maanta la dhaariyey in uu Alle u fududeeyo waajibaadka Qaran ee horyaalla, kana yeelo masuuliyiin ka shaqeeya danta dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON