Saturday, August 13, 2022

Farriimaha 26 June: Farmaajo oo Baraha bulshada uga taageero batay Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa weli baraha bulshada uga shacbiyad badan madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud oo xilka kala wareegay, kadib doorashadii 15 May 2022 ee Farmaajo looga adkaaday.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo cudurka Covid19 dartiis uga qeyb geli waayey munaasabadii xuska 26 June ee xoriyadda Gobollada Waqooyi ayaa farriin u diray shacabka Soomaaliyeed, isagoo kula wadaagay baraha bulshada ee Madaxtooyada Soomaaliya iyo kuwa shaqsiga ah ee uu leeyahay.

Dhinaca kale Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa baraha bulshada ee shaqsiga ah soo dhigay farriin ku saabsan munaasabadda 26 June oo u eg kuwii uu diri jiray markii uu xilka hayey, waxaana labada farriimood si weyn u taageero batay farriintii Farmaajo.

Ad

Farriinta Madaxweye Xasan Sheekh Maxamuud waxaa Bata Twitter la isu diray oo dadku sii faafiyeen ilaa xilliga warkan la qoray in ku dhow 100 jeer, halka Bogga Madaxtooyada lagu sii wadaagay ilaa 40 jeer. Bogga Facebook ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale farriintiisa ay heshay 480, halka farriinta Bogga Madaxtooyada la sii wadaagay 190 jeer.

Dhinaca kale farriinta 26 June ee madaxweynihii hore Farmaajo ayaa bartiisa Twiter-ka lagu sii wadaagay ilaa 450 jeer, halka Facebook ay heshay qiyaas lagu sii wadaagay ilaa 4900 jeer.

Arrintan ayaa ka dhigan in Farmaajo uu baraha bulshada ku heysto taageero badan, inkastoo aan taasi lagu qiyaasi karin, shacbiyadda rasmiga ah, dad badanna ay ku tilmaamaan taageero aan jirin.

- Advertisement -

Sababta taageerada Farmaajo lee Baraha bulshada ayaa ah iyadoo kooxdii Farmaajo intii ay xukunka joogeen ay dhaqaale badan geliyeen Baraha bulshada, isla markaana ay yeesheen dad fara badan oo taageera, qaarkoodna dhaqaale lagu siiyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,012FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,012FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON