Saddex ka mida afarta Musharax ee ku tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaliya ayaa farriimo degdega u diray xildhibaannada labada Aqal, iyagoo codsi iyo balanqaadyo u sameeyay.
Fariimaha musharixiinta marka laga reebo Maxamed C/llaahi Farmaajo, hoos ka akhriso:
Musharax Xasan Sheekh Maxamuud: “Xildhibaan, waxaan kaa codsanayaa mar kale codkaaga, si aan fursad ugu helo dhismaha dowlad loo dhan yahay oo dalka badbaadisa, fursadna siisa dhammaan siyaasiyiin iyo shacab”
Musharax Xasan Cali Kheyre: “Maadaama aan usoo gudbay wareegga labaad ee doorashada madaxweynaha, waxaan ka codsanaya xildhibaannada sharafta leh iney fursad ii siiyaan inaan shaqo abuur u sameeyo 100 kun oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah, inaan mushaarka xildhibaannada kordhiyo, inaan deyn cafinta dhameystiro oo aan dalka dhaqaalihiisa kor u qaado, inaan sii wado shaqooyinkii istaagay ee Dowladda, inaan maamul gobolleed walba hal isbitaal ka dhiso, inaan Al Shabaab soo afjaro iyo inaan dhiso Dowlad ay u dhanyihiin mucaarad iyo muxaafid, kuwaas oo ah dhammaan ah ballamadii aan ka hor sheegay baarlamaanka.Waxaan rajeynaya in aad codsigeyga aqbali doontaan.”
Siciid C/llaahi Deni: “Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka JFS, waxaynu hadda gelayna wareega labaad ee Doorashada, waxaan idinka codsanaya in aad Soomaaliya maanta ugu hiilisaan codkiina, si aynu dalkeena ugu hoggaamino Amni, Adeeg iyo Ammaano.Fursad waxaa ii siisaan in aynu wada jir u sameyno Soomaaliya Amni ah, Dadku nabad ku codeeyo oo Madaxdooda doorto, waxaan idinka rajeynaya in aad noqotaan Kuwii dalkeena u gudbiya Doorasho qof iyo cod ah, oo ah Isbedelka aan ballan qaaday”.