Akhriso: Qoraalka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Xilgaarsiinta ay Shariif Xasan ku siiyay Fasaxa Hub qaadashada
Wasaaradda Amniga gudaha Xukuumadda Xilgaarsiinta ayaa siisay ogolaansho qaadashada Hubka fudud Madaxwenihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan oo maanta lagu hor istaagay inuu u dhoofo Magaalada Baydhaba.
Qoraalka Wasaaradda Amniga ayaa lagu Caddeeyay in Shariif Xasan Sheekh Aadan loo ogolaaday inuu la safro 7 qori iyo 7 Bistoolad, laakiin fasaxaasi waxaa ku gacan seyray maamulka C/casiis Lafta-gareen oo diyaaradaha taga magaalada Baydhaba ku amray inaysan soo qaadi karin Shariif Xasan.
Shariif Xasan oo ka mida siyaasiyiinta waaweyn ee Digil iyo Mirifle ayaa laha cabsi qabaa inuu halis geliyo damaca Madaxweynaha K/Galbeed ee Gudoomiyaha Golaha Shacabka.
