Waxaa xaruntii Ahlu suna ee INJI, magaalada Dhuusamareeb howlgal ciidamada dowladda Soomaaliya ee Gorgor kula wareegayaan Gaadiidkii iyo maleeshiyadii Alshabaab ee ku sugnaa xaruntaasi.
Gaadiidka la warejiyey ayaa ka kooban 7 Gaari oo kuwa dagaalka ah, ayna saaran yihiin qoryaha culus iyo laba gaari oo kale, waxaana la wareegay Ciidamada Gorgor ee xoogga Dalka. Sidoo kale Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug Saadaq Sheekh Yuusuf oo ka mid ahaa madaxa Ahlu Sunna ayaa wareejiyey laba Gaari oo nooca Cabdi-blle oo ay lahayd wasaaradda Amniga Galmudug.
Wararka kale ayaa sheegaya in maleeshiyadii Ahlu suna oo gaaraya ilaa 40 la geeyay saldhiga Booliska magaalada Dhuusamareeb, iyadoo ay sidoo kale xalay isu dhiibeen ciidamada dowladda maleeshiyo ka tirsan Ahlu suna oo ka abxan 50.





