Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay Qarax lala beegsaday Gaari ay la socdeen koo ciyaartoy ah oo ka dhisan halkaasi.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu qabsaday Gaari Bas ah oo ay la socdeen cayaartoyda kooxda JCCI ee magaalada Kismaayo, waxaana lasoo weriyey inuu qaraxu geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac..
Gaariga qaraxu haleelay ayaa gabi ahaanba ku gubtay qaraxa, waxaan goobta gaaray ciidamada Amniga, iyadoo uu socdo gurmadka loo fidinayo dadka ku waxyeeloobay.
Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay 4 ciyaartoy, iyadoo ay k dhawaacmeen 7 kale, waxaase sii socotay oo madaxweynaha Jubbaland uu furay tartankii ciyaaraha ee magaalada Kismaayo.
HALKAN KA AKHRISO FAAHFAAHINTA QARAXA
