Tuesday, September 21, 2021

Jen. Xijaar oo xilka ka qaaday Taliyihii Booliska Jowhar (3 Maamul Goboleed oo weli hoos taga Taliska Booliska)

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa xil ka qaadis ku sameeyay talihihii saldhiga Booliska degmada jowhar ka qaaday, isagoo u magacaabay taliye cusub.

Taliyihii Saldhigga Booliska Jowhar Kabtan Maxamed Siyaad Cali (Canjeex), isaga oo u bedelay ururka Taliska Booliska, waxaana wareegto kasoo baxday Xafiska Taliyaha Booliska xilka Taliyaha Saldhiga Booliska Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeellle loogu magacaabay  Gaashaanle Dhexe Bashiir Xasan Xalfooy.

Taliyeyaasha hoggaanka Cidanka booliska degaannada Hir-Shabeelle ayaa waxaa la faray inay la socdaan xilka qaadista iyo magacaabista taliyeyaasha, isla markaana ay la Shaqeeyaan Taliyaha Cusub.

Ad

Taliska ciidamada Booliska federaalka ayaa si toos ah weli gacanta ugula jir oo magacaaba taliyeyaasha ciidamada Booliska maamul Goboleedyada Hirshabeelle, Galmudug iyo K/Galbeed, waxaana ka madax bannaan oo taliyeyaashooda magacawda maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

- Advertisement -
- Advertisement -

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

159,384FansLike
2,430FollowersFollow
5,853FollowersFollow
159,384FansLike
2,430FollowersFollow
5,853FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!