Saturday, April 20, 2024

Gaari ay la socdeen Xubno Alshabaab ah oo la Duqeeyay iyo tiro badan oo lagu dilay

Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa shaacisay in 22 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab lagu dilay howlgal ka dhacay degaan ka tirsan gobolka Hiiraan.

Howlgalkan oo ka dhacay degaanka Shaw, ayaa waxaa fuliyey Diyaaradaha dagalka Drone-ka ee saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageera dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaana weerarka lala beegsaday Gaari nooca Homey ah oo ay saarnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Maleeshiyada la duqeeyay ayay ku jireen xubno ka soo firxaday howlgal shalay ka dhacay Tuulada Cadalay oo hoos tagta degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Ad

Mas’uuliyiinta degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa hore u sheegay in duqayn cusub lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab oo u dhow magaalada Jalalaqsi. Ma cadda haddii labada weerar ay xiriiraan ama isku mid yihiin iyo in kale.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON