Saturday, June 28, 2025

Gaari uu la goostay Taliye ku xigeenka Ciidamada Haramcad oo dib loogu celiyey Taliska G/Banaadir

Taliska ciidamada Booliska Goblka Banaadir ayaa sheegay inay dib u soo ceshadeen Gaari nooca Landcruizer (Cabdi Bille) ah oo uu shalay galab la goostay taliye ku xigeenkii Ciidamada Haramcad oo u galay dhinaca Mucaaradka.

Arrintan oo ay si weyn uga caroodeen dhinaca xukuumadda Federaalka ayaa timid markii taliye ku xigeenka Haramcad Dhamme Muumin Ciise uu u goostay dhinaca Ciidamada Mucaaradka ee ku sugan degmooyinka Hodon iyo Howlwadaag, isagoo wata Gaariga.

Taliye Mumin ayaa la sheegay inuu ahaa nin muhiim ka ah ciidamada sida weyn u taageera Farmaajo ee Booliska Gaarka ah (Haramcad) isagoo u qaabilsanaa howlgallada, waxaana baxsadkiisa loo arkaa mid halis ku ah ciidamada dowladda.

Xalay ayaa xaalad jahawareer ah ka dhalatay caasimadda Muqdisho markii ciidamada Booliska iyo kuwa Haramcad ay dalbadeen in loo soo celiyo sarkaalka goostay, ciidamada la socday iyo gaariga, waxaana dhalatay xiisad saameysay Wadadda Maka Almukarama.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa shalay shaaciyey inuu taliye ku xigeenka Haramcad u goostay ciidamada mucaaradka ee la baxay Badbaado Qaran, waxaana arrintan si weyn uga hor yimid Ra’iisal wasaare Rooble oo xiriiro la sameeyay xubnaha Midowga Mushariixinta.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON