Waanwaantii ugu horeysay ayaa u bilaabatay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Midowga Musharixiinta.
Guddoomiyaha Midowga Shariif Sheekh Axmed iyo RW Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan gaara xalay ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaasoo labada dhinac uga hadleen sidii xal loogu heli lahaa qalalaasihii ka dhacay Muqdisho.
Shirkan oo Sheekh Shariif uu ku wehliyey Musharax Mustaf Dhuxulow ayaa ka dambeeyay go’aankii Midowga Musharixiinta kasoo saareen ka noqoshadii Muddo kororsiga iyo qoddobo ay ku xireen la-shaqeynta Rooble (Akhriso).
Qodobka ugu culus ee Ra’iisal wasaare Rooble horyaalla ayaa ah inuu Magaalada Muqdisho ka saaro ciidamada ka hor yimid muddo kororsiga oo la wareegay qeybo muhiim ah oo ka mida caasimadda, wuxuuna muddo saddex jeer ah ku baaqay in ciidamada laga saaro caasimadda taasoo aan fulin.
Waxaa jira shaki weyn oo ku saabsan in Rooble aanu weli heysan awoodii ay ciidamada dowladda ku hoos imaan lahaayeen, waxayna Musharixiinta caddeyeen inaysan diyaar u ahayn dib u celinta ciidamada u soo gurmaday iyadoo aan la fulin qodobo dhowr ah oo ka horeeya.
Rooble iyo kooxda la shaqeysa ayaa laga dareemay inay degdeg u doonayaan fulinta qodobkan oo shaki kale ku abuuray Madaxda Midowga Musharixiinta iyo taageerayaashooda oo aaminsan in ciidamada taabacsan ay yihiin sababtii keentay in laga noqdo muddo kororsiga.
Waxaa xalay soo baxaday arrin aan la fileyn, kadib markii gacan-yareyaasha Rooble ay digniin u jeediyeen qaar ka mida siyaasiyiinta waaweyn ee ka horjeeda Farmaajo, iyagoo u jeediyay inay faraha kala baxaan arrimaha ciidamada.
Taliye ku Xigeenkii Ciidamada Haramcad ayaa iyo Gaari uu watay ayaa u goostay dhinaca ciidamada Mucaaradka, inkastoo Gaariga markii danbe dib loo celiyey, haddana xaaladan waxay caddeyn u ahayd in ciidamada dowladda ay weli kala qeybsanaan xoog leh ka jirto.
