Monday, June 23, 2025

Galmudug oo Amarro kasoo saartay Musharixiinta Hubka iyo Gaadiidka Dagaalka la tegaya Dhuusamareeb

Guddiga Amniga Galmudug ayaa soo saaray amarro ku saabsan Doorashooyinka iyo Musharixiinta hubka la tagaya magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo.

Go’aannada soo baxay ayaa ku saabsan inaan wax hub ah iyo gadiid dagaal lagu wadan karin, laguna heysan karin magaalooyinka ay doorashadu ka dhaceyso ee Dhusamareeb iyo Gaalkacyo, waxaana qodobadda soo baxay ka mida:

1- Waxaa la mamnuuc aydhammaan hubka iyo gadiidka dagaal ee lagu dhex heysto magaalooyinka Galmudug, gaar ahaan gaar Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo.

Ad

2- Laga bilaabo maanta 4 Ogost 2021 ma jiri karo wax hub ah oo lagu dhex wadan karo Caasimadda Galmduug ee Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo, iyad oo aan fasax loo heysan.

3- Ma jiro askari hubeysan oo dhex mari kara magaalooyinka, kaasoo aan ahayan kuwii shaqada ku lahaa iyo xabbad la diri karo.

4- Waxaa mamnuuc ah in Garoomada diyaaradaha Dhuusmareeb/Gaalkacyo in lasoo geliyo hub iyo Gadiid dagaal oo aan fasax loo heysan.

- Advertisement -

Cidii amarradan jebisa ayaa la sheegay inay tallaabo sharci ah laga qaadi doono. Amarradan ayaa si toos ah ugu socda musharixiinta xilalka Aqalka sare ee ku qulqulaya magaalada Dhuusamareeb, iyadoo gaarkood ay la tageen gaadiid dagaal iyo hub culus.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON