Wasiiru dowlaha madaxtooyada dowlad goboleedka Galmudug Cumar Axmed Saney (Shiddo) ayaa shaaciyay inuu fashilmay waanwaan uu madaxweynaha Galmudug uu maalmihi la soo dhaafay ka dhex waday madaxda Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble oo khilaaf weyni uu soo kala dhexgalay.
“Sidaad lawada socoteen Madaxweyne dowlada Galmudug Ahmed Abdi Kariye (Qoorqoor) oo maalmahan ah ku howlanaa xalinta khilaafka ka dhashay kiiskii Ikraan Tahliil, oo sababay muran aad u balaaran, oo u dhaxeeyo Madaxweyne Farmaajo iyo Raisal wasaare Rooble.” ayuu qoraalkiisa ku yiri qoraal uu wasiir Cumar Shiddo soo saaray.
“Dadaal badan oo uu bixiyay Madaxweynaha Galmudug oo marxalado badan soo maray iyadoo xiliyada qaar ay shirarku qaadanayeen ku dhawaad 18 saac, ayaa gunaanadkii wuxuu caawa kusoo dhamaaday fashil, iyadoo RW Rooble garabkiisa ay muujiyeen biseyl badan halka dhinaca kalena lagala kulmay caqabad aad u waaweyn oo soo dadajisay inuu wada hadaladii socday caawa ay istaagaan” ayuu ku yiri qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook wasiiru dowlaha madaxtooyada Galmudug Cumar Shido.
Wasiir Cumar Shido, oo xaqiijiyey inuu qoraalka uu oo saaray sax yahay, isla markaana madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoo uu arrintan War kasoo saari doono.
