Guddiga Doorashada Galmudug ayaa shaaciyay musharixiinta isu diiwaangelisay afar kursi oo Berri lagu dooranayo magaalada Dhuusamareeb.
Kuraasta la dooranayo waxaa u badan Beesha Murusade iyo Hal kursi oo ay leedahay Beesha Ceyr, waxaana la saadaaliyey musharixiinta kusoo baxaya doorashada, iyadoo ay qeylo dhaan badan ka socoto baraha bulshada.
KURSIGA KOOWAAD:HOP #139
Waxaa kursigan hore uu fadhiyay Cabdixakiim Macalin Axmed oo u xuub siibtay xubin ka ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka. Waxaa u tartamaya:
1- CABDISAMED MAXAMUUD XASSAN
2- XAMDI SHIRE CALI
KURSIGA LABAAD: HOP#049
Kursigan waxaa hore ugu fadhiyey Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo hadda ah musharax madaxweyne, Waxaana u tartamaya:
1- MUSTAF SHIIQ CALI DHUXULOOW
2- CABDULLAAHI CABDI GUUTAALE
3- JAMIILO CALI XEYLE
4- CABDINUUR CIISE XIIREY
KURSIGA SADEXAAD:HOP#51
Waxaa kursigan hore ugu fadhiyey Xasan Macalin Maxamuud Sheekh Cali, balse wuxuu uga haray sababo aan la shaacin, iyadoo ay ku tartamayaan:
1- XUSEEN MAXAMED NUUR
2- MAXAMED GEEDI CAWAALE
KURSIGA AFARAAD: HOP#61
Kursigan waxaa ku fadhiyey xildhibaan Cabdiweli Maxamed Qanyare Afrax, iyadoo aan la ogeyn saabta uu uga haray tartanka, waxaana ku tartami doona:
1- DAYAX AXMED CUMAR
2- CABDIQADAR ABUUKAR CABDI