Wednesday, April 17, 2024

Ganacsadaha la arko xilliyada Doorashada Madaxweynaha ee bixiya Lacagta ugu badan!

Xildhibaan hore iyo ganacsade C/llaahi Cali Axmed (Caddow Cali Gees) wuxuu markii labaad u tagana yahay xilka Madxawyenaha Soomaaliya 2022, isagoo aan wax olole ah gelin.

Ganacsadahan waa markii labaad ee uu maalgashado tartanka xilka ugu sareeya Soomaaliya, isagoo og in fursadihiisa ay yihiin kuwo aad u hooseeya oo aanay sina suuragal u ahayn inuu wareega koowaad ka gudbo.

Ganacsade Caddow Cali Gees oo hore usoo noqay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka 1 Soomaaliya, kadibna wuxuu u xuubsiibtay musharax madaxweyne 2017, isagoo lacago badan ku bixiyey, ujeedkiisuna ahaa inuusan xilka kusoo noqon Xasan Sheekh Maxamuud oo ay isku beel yihiin.

Ad

KASHIFAAD: Maxaa keenay in Ganacsade Caddow Cali Gees uu Nus Milyan Doolar ku maalgashado kursi Xildhibaan? SAWIRRO

Ganacsade Caddow Cali Gees ayaa ah Qandaraasle AMISOM la shaqeeya, isla markaana dano ganacsi oo kala duwan ku leh Soomaaliya. Wuxuua xildhibaan noqday sanadkii 2012 markaasoo laga soo xigtay inuu Baarlamaanka ugu biiray inuu ku ilaashado danihiisa ganacsi, isla markaana uga badbaado baad ay ka qaadi jireen siyaasiyiinta.

Sanadkan wuxuu ka haray Doorashada xildhibaannada, isagoo xilli danbe isu sharxay xilka Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna hadda ka mid yahay musharixiinta lacagaha ugu badan ee laaluushka ah xalay bixiyey.

- Advertisement -

Doorashadan 2022 lama oga codadka uu heli doono iyo ujeedka doorashadiisa, waxaase dad badan is weydiinayaan sabaata uu lacagaha malaayiinta Dollar ugu bixiyo doorashada Madaxweynaha, iyadoo aysan u muuqan wax rajo ah, waana mid ka mida la-yaabka Doorashooyinka dadban ee Soomaaliya.

Goobjooge.net

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON