Thursday, April 18, 2024

XOG: Codadka Farmaajo iyo Musharixiinta ay u wareegi doonaan xildhibaannada taageersan

Saadaal kala duwan ayaa laga bixinayaa doorashada Madaxweynaha Soomaaliya 2022 oo goor dhow natiijadeeda la ogaan doono.

Musharax Maxamed C/llaahi Farmaajo oo xilka banneynaya ayaa la isku waafaqsan yahay inuu ugu horeyn doono natiijada wareegga koowaad, balse uusan halkaasi dhaafi doonin, waxayna saadaasha ugu fiican siisay inuu heli karo ugu badnaan ilaa 110 cod.

Codadka Musharax Farmaajo ka helayo xildhibaannada labada Aqal waa muhiim halka ay aadi doonaan wixii ka danbeeya wareegga labaad, iyadoo xaqiiqadu tahay inuusan Farmaajo dhaafi doonin tirada uu wareegga koowaad ka helo, haddiiba uu go’aansado inuu wareega saddexaad tartanka sii wado, waxaaba laga yaabaa inay codad badan ka tagaan.

Ad

Codadka Farmaajo ee la isku halleyn karo kama badna 70 ilaa 80, waxayse go’aamin karaan guusha xilka Madaxaweynaha cusub hadii ay iyagoo is wata hal musharax taageeraan qorshe labaad (Plan B), marka Farmaajo haro ama tanaasulo.

Labada Musharax ee la saadaalinayo inay codadka Farmaajo u wareegi doonaan waxay kala yihin: Xasan Cali Kheyre iyo Shariif Sheekh Axmed, inkastoo kooxda ololaha Farmaajo aanay ku heshiin cidda ay qorshahooda labaad ka dhiganayaan, waxaase mar kasta jiri doona xubno iskood go’aan u qaadan doona.

Sheekh Shariif iyo Xasan Kheyre waxay rajadooda ku xiran tahay hadba qofkii ugu cod bata wareegga koowaad oo si weyn loogu loolamayo, waxaana dhici karta isbedel lama filaan ah, iyadoo galaangalka doorashada uu soconayo xaalad kasta oo doorashadu ku jirto.

- Advertisement -

Sheekh Shariif ayaa Farmaajo ku taageeray codadkiisa doorashadii 2017, markii uu kaalinta saddexaad galay, waxaana xilligaas Xasan Sheekh uu go’aansaday inuu wareeg kale u gudbin ee uu ka haro tartanka, sidaasina uu Farmaajo kusoo baxay; laakiin Farmaajo ma aha Sheekh Shariif, mana aha Xasan Sheekh.

Dib u doorashada Farmaajo ayaa rajadeedu yar tahay, mar kasta oo wareegga tartanku dheeraado waxaa la filayaa Farmaajo lumin doono codadkii uu hore u heystay, waxaana jira caqabado badan oo u diidaya soo laabasho.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON