Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Dabley hubaysan ay maqribnimadii Caawa nin ganacsade ah ku dileen Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan qeybta Khudaarta, iyadoo halkaasi ku dhaawacay ganacsade kale.
Koox Bistoolado ku hubeysan ayaa rasaas xoog leh ku furay Ganacsade ka mida kuwa khudaarta oo ku sugnaa goobtiisa Ganacsi oo xilligaas goobtiisa isu diyaarinayey inuu xiro, waxaana uu u geeriyooday rasaas fara badan oo ay ku fureen, iyadoo kadibna goobta ka baxsaday.
Rasaasta dishay Ganacsadaha ayaa sidoo kale dhaawacmay ganacsade Moosle ah oo goobta ka dhowaa, waxaana goobta gaaray ciidamada amniga oo halkaasi kasoo qabtay dhowr qof oo la tuhmay inay ka dambeeyeen falkaasi.
Maydka Marxuumka la dilay ayaa laga qaaday goobta waxaana la geeyay xarunta dambi baarista ciidanka Booliska ee CID-da