Sunday, June 22, 2025

Ganacsato lagu dilay Magaalada Dhuusamareeb iyo Wararkii ugu danbeeyay

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug ayaa sheegaya in cawa maqribkii halkaasi lagu dilay laba nin oo ka mid ahaa ganacsatada magaalada.

Ganacsatada la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Saciid Tahliil Maxamed iyo Sheekh Xasan Diirshe, waxaana dilkooda lagu sheegay inuu la xiriiro aano qabiil.

Guddoomiyaha Galguduud Cilmi Cali Gabey ayaa sheegay inaan la ogeyn sababta iyo cidda dishay ganacsatadan, balse wararka ayaa sheegaya inay baxsadeen dableydii dilkaasi geysatay.

Ad

Booliska iyo Hay’adaha Amniga magaalada Dhuusamareeb ayaa bilaabay baaritaanka falkan, iyadoo la raadinayo kooxdii geysatay dilkan bareerka ah.

Xaaladda magaalada Dhuusamareeb ayaa kacsan, wuxuuna Guddiga Ganacsatada magaalada goor dhoweyd ku dhawaaqay shaqo joojin ay sameynayaaan Berri, si u mujinayaan shucuurtooda falka lagu diley xubno kamid ahaa ganacsatada.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON