Friday, July 4, 2025

Go’aano cusub oo kasoo baxay shirkii Wadatashiga Muqdisho (Xilliga Doorashada Aqalka Sare & Qodob la bedelay)

Shirkii Golaha wadatashiga Doorashada Soomaaliya oo Muqdisho ka socday intii u dhaxeysay 28-29 June, ayaa lagasoo saaray Jadwalka cusub ee doorashada Soomaaliya.

Go’aanada shirka lagu gaaray ayaa waxaa ka mida isbedel lagu sameeyay qodob ka mida heshiiskii 27- September 2020, oo ku saabsanaa dhaqaalaha is-diiwaangelinta ee laga qaadayo haweenka oo 50% laga dhigay.

Go’aamada soo baxay ee Shirka arrimaha Doorashada ee uga socday Muqdisho, waxay kala yihiin:

JADWALKA DOORASHADDA

1. Tababarka iyo Doorashadda Guddoonka Gudiyada Doorashadda ( 30 June – 05 July 2021)

2. Doorashada Aqalka Sare (25 July 2021)

3. Diyaarinta Goobaha Codbixinta Doorashada ( 23 July 2021)

4. Soo xulista iyo diyaarinta Ergooyinka Doorashadda (15 July – 10- August 2021)

5. Doorashadda Xildhibaanada Golaha Shacabka JFS (10 August – 10 September 2021)

6. Dhaarinta Xildhibaanada iyo Doorashadda Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka JFS (20 September 2021)

7. Doorashadda Madaxweynaha JFS (10 October 2021)

Go’aamada kale ee uu Goluhu gaaray:- Golaha oo tixgelinaya Codsi ka yimi Haweenka Soomaaliyeed, wuxuu 50% ka dhimay Haweenka Soomaaliyeed khidmada laga qaadayay haweenka u sharaxan Baarlamaanka.

– Ra’iisal Wasaaraha DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, oo ka duulaya heshiiskii 27kii May 2021, ayaa magacaabay Guddiga dib-u-heshiisiinta Gobolka Geddo oo aysan ku jirin Jubaland. Guddiga ayaa la faray inay dedejiyaan arrimaha dib-u-heshiisiinta Gobolka Gedo.

May be an image of 2 people, people sitting and people standing

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON