Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika ayaa si buuxda u taageerayaan ilaalinta midnimada, midnimada dhuleed, madaxbannaanida iyo gobannimada ee Soomaaliya, kadib shir ay maanta ka yeeshay xiisadda ka dhex taagan dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya.
Golaha ayaa soo saaray war-saxafaadeed kadib kulankaasi, waxayna ku sheegeen inay tixgeliyeen xaaladda u dhaxaysa labada waddan, iyagoo warbixino ka dhagaystay safiirka Soomaaliya u jooga Midowga Afrika Abdullahi Warfa, iyo ergayga Itoobiya u jooga Midowga Afrika Ayele Lire.
Golaha aya sheegay inay aad uga walaacsan yihiin xiisadda u dhaxaysa labada waddan kadib markii is-afgarad ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo gobolka waqooyi ee Soomaaliya ee Somaliland, sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika.
Golaha ayaa sheegay inay ka baaraan degeen sida xaaladdan u saamayn karto gobolka, waxayna soo dhoweeyeen hadalkii uu arrintan hore uga soo saaray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, 3-dii Janaayo 2024-ka
Golaha ayaa sheegay inuu si aan caad saarnayn u caddaynayo inay si buuxda u taageerayaan ilaalinta midnimada, midnimada dhuleed, madaxbannaanida iyo gobannimada dhammaan waddamada xubnaha ka ah ururka oo ay ku jiraan Itoobiya iyo Soomaaliya.
Wuxuu Golaha ugu baaqay Itoobiya iyo Soomaaliya inay ku taagnadaan, isla markaana ay tilmnaansadaan mabaadii’da Midowga Afrika iyo kuwa caalamiga ah marka ay noqoto xiriirkooda laba geesoodka ah iyo kuwa caalamiga ah.
Sidoo kale Golaha ayaa ugu baaqay dalalka kale inay ixtiraamaan mabaadii’da faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee laba xubnood oo ka mid ah Midowga Afrika. Golaha ayaa ugu baaqay labada waddan inay dulqaad muujiyaan isla markaana ay ka dhowrsoonadaan ficillada iyo hadallada sii hurin kara xaaladda.
Golaha ayaa ka codsaday Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika inuu u diro Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo inuu wadahadal dhex dhigo labada dhinac, isla markaana uu golaha si joogto ah usoo wargeliyo.