Monday, June 23, 2025

Golaha Amniga Q/Midoobay oo farriin u diray Madaxda Soomaalida. “Waa inaad ka shaqeysaan Danta Dadkiina”

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo xalay shir ka yeeshay xaaladda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay shirka uu 15 Febraayo ku baaqay madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,.

Waxay Golaha Ammaanka ku baaqeen inay sida ugu dhaqsiyaaha badan dib ugu bilaabaan wahadalllada sidii loogu heshiin lahaa fulinta Heshiiskii Doorashada ee 17-ka September, ayna ka wada qeyb galaan dhinacyada oo dhan. Hoggaamiyayaasha Soomaalida loo sheegay inay ka wada shaqeeyaan Danaha shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saacado ka hor soo saaray baaq in shir kale oo wadatashi ah uu dhacayo 15-ka Febraayo, taasoo lagu soo daray warkii kasoo baxay Golaha Amniga ee xalay waxaana warrsaxaafadeedka Golaha Amniga akhrisay, Barbara Woodward oo ah danjiraha dalka Britain u joogta Q/Midoobay.

Ad

Golaha Ammaanka oo warbixin ka dhageystay Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya, waxay walaac ka muujiyeen fashilkii ku yimid shirkii Dhuusamareeb 4 ee kusoo dhammaaday heshiis la’aanta.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON