Wednesday, June 25, 2025

Golaha Dhaqaalaha oo Golaha Wasiirada Somalia u soo bandhigay Daraasad ku saabsan horumarinta Dhaqaalaha

Golaha wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta warbixin ku saabsan Dib-u-habeynta nidaamka Maaliyadda Dalka ka dhagaystay Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee dhowaan la sameeyay oo ka kooban aqoonyahanno.

Shirka Golaha Wasiirrada waxaa guddominayey Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, waxayna Golaha ku soo bandhigeen cilmi baaris ay ka sameeyeen istiraatiijiyadda maalgashiga dalka, kobcinta dhaqaalaha, kordhinta dakhliga dawladda, iskaashi dhaqaale oo Soomaaliya ay la yeelato wadamada Bariga Afrika  iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.

Golaha dhaqaalaha Qaranka oo adeegsanaya cilmi baaris dheer iyo caddeymo ayaa dawladda kala taliya arrimaha dhaqaalaha dalka, iyaga oo sidoo kale dawladda talo ka siiya diyaarinta iyo dhaqan-galinta siyaasad dhaqaale oo tayo leh taas oo ka caawinaysa isku-dubaridka khayraadka dalka iyo dibadda iyo fulinta qorshayaasha dhaqaalaha iyo maaliyadda dalka.

AKHRISO: Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay Dhismaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka [Akhriso Wareegto]

Image may contain: 2 people, people sitting, table and indoor

Image may contain: 2 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 9 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 1 person, sitting, table and indoorImage may contain: 1 person, suit and indoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON