Golaha Hoggaaminta Beesha H/Gidir ayaa si buuxda u taageeray Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta ee hoggaaminaya Doorashada Dalka.
Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Muqdisho ayaa laga soo saaray war-saxaafadeed uu akhriyay Guddoomiyaha Golaha Prof. C/qaadir Maxamed Shirwac oo ku saabsan xaaladda dalka iyo Doorashada, waxayna ka digeen in ifafaale keeni kara qalalaase Doorasho iyo xasilooni darro.
Golaha H/Gidir waxay soo jeediyeen:
1- In loo midoobo taabagelinta doorashada dalka, lagana fogaano wax kasta oo carqaladeyn kara.
2- In Ra’iisal wasaaraha iyo xukuumadiisa loo madax banneeyo hogaaminta doorashada laguna gacan siiyo.
3- Inuu Ra’iisal Wasaaraha kasoo dhalaallo hanka Soomaalida iyo caalamku ka sugayaan oo ah qabasho doorasho hufan, si dalka looga saaro firaaq Dastuuri.
4- Waxaan ka digeynaa cawaaqibta ka dhalan karta haddii la isku dayo majaxaabin lagu sameeyo Doorashada uu hoggaaminayo Ra’iisal wasaaraha.
4- Waxaan hiil iyo hoo la garab taaganahay Ra’iisal wasaaraha iyo xukuumadiisa si ay u qabtaan Doorasho hufan oo la wada aqbalsan yahay.
Golaha Hoggaminta Beesha H/Gidir waxay Beesha caalamka ugu baaqeen inay culeys ku saaraan madaxda Soomaalida inay si degdega u dhammeystiraan Doorashada Dadban.
