Wasiirada xukuumadda cusub ee Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa bilaabay kulamo ay la yeelanaaano beelaha Soomaalida oo ay taageero ku raadsanayaan.
Kulamadan ayaa ah kuwo kalsooni loogu raadinayo xukuumadda Soomaalida ee dhowaan la magacaabay, waxayna arrintan ka danbeysay markii xildhibaano ka mida Baarlamaanka ay saxiixeen qoraal kula talinayaan Ra’iisal wasaraha inuu dib ugu laabo golaha uu magacaabay.
Kulan beesha Muddulood iyo xildhibaanada labada gole ee beeshaasi ku taageerayaan Golaha wasiirada cusub ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale kulamo kale lagu wadaa inay ka dhacaan magaalada oo beelaha Soomaalida ku taageerayaan xuikuumadda.
Ra’iisal wasaare Kheyrre ayaa ku adkeystay inuusan wax ka bedel ku sameynin golihiisa wasiirada inta aana kalsoonida ka helin Baarlamaanka, waxaana lagu wadaa inuu Baarlamaanka horgeeyo aakhirka toddobaadkan.
Qodobka ugu weyn ee xildhibaanada diidan golaha wasiirada cusub cuskadeen ayaa ah qodob aan qorneyn oo ku saabsan awood qeybsiga Soomaalida oo fasiraad kala duwan yeelan kara.
Goobjooge.com