Friday, June 27, 2025

Golaha Wasiirada Jubbaland oo War Cusub kasoo saaray Xariga C/rashiid Janan & Xayiraadda Garoonka Kismaayo

Golaha Wasiirada Maamulka Jubbaland oo maanta shir ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa war cusub kasoo saaray xariga dowladda Federaalka ee Wasiirkii Amnjga Maamulkaasi C/rashiid Janan iyo xayiraadda diyaaradaha ee garoonka magaalada Kismaayo

Kulanka oo uu guddoomiyey Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa Golaha Wasiirada Jubbaland uu ku cambaareeyay xariga Sharci darada ah ee Dowlada Federaalka ah ee ay kula kacday Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur; iyadoo bilo kahor ay Maxkamada Gobolka Banaadir ay sheegtay in la laalay dacwadii ka taalay waxaa golahu uu sheegay in cawaaqibka ka dhasha Falkaas sharciga ka fog ay masuuliyadiisa qaadayso Dowlada Federaalka ah.

Dhinaca kale Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa ka dooday Xayiraada dhinaca duulimaadyada shacabka ah ee Dowlada Federaalku kusoo rogtay dadka ree Jubbaland; waxaana arrimaha Duulimaadka iyo xariga wasiirka Amniga loo Xil saaray gudi ka kooban Todobo Wasaaradood oo gudigan la faray in ay xal rasmi ah ay yimaadaan oo culayska lagaga qaadayo dadka shacabka ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON