Saturday, January 18, 2020
More

    Golaha Wasiirada oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Difaaca & Xeer ay ka digeen Madasha Xisbiyada

    Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa Maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho ku meel mariyeen hindise-sharciyeedka difaaca Qaranka Dalka oo Golaha usoo gudbisay Wasaaradda difaaca iyo xeerar kale.

    Shirka ayaa sidoo kale lagu ansixiyay xeerka cafiska Dadka Dowladda isku soo dhiiba, xeerka hey’adaha aan Dowliga ahayn oo ay ka dileen Madasha Xisbiyada iyo siyaasadda shaqo abuurka Qaranka oo ay soo diyaariyeen Wasaaradaha qorsheynta iyo shaqada.

    Ad

    Golaha ayaa soo dhoweeyay heshiiska Dowladda Federaalka iyo AHSWJ ka gaareen dhismaha Galmudug loo dhanyahay, waxaana Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, oo Guddoominayay shirka uu bogaadiyay tanaasulka ay sameeyeen dhinacyada Galmudug.

    Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa amray Guddiga gurmadka Fatahaadaha in ay wax ka qabtaan xaaladda Afgooye iyo qeybo ka mid ah Gobolka bari oo ay daadadku saameeyeen.

    Shirka intii uu socday ayaa taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa uu Golaha Wasiirrada warbixin faah-faahsan ka siiyay weerarkii Hotelka SYL ay ku qaadeen Argagixisadu.

    Golaha wasiirrada ayaa bogaadiyay dedaalka laamaha amniga iyo tallaabooyinkii geesi-nimada lahaa ee ay Ciidamdu ku badbaadiyeen Dadka Shacabka ah.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    133,703FansLike
    1,342FollowersFollow
    3,792FollowersFollow
    133,698FansLike
    1,342FollowersFollow
    3,792FollowersFollow

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!