Monday, July 14, 2025

Golaha Wasiirada oo maanta ansixinaya magacaabidda Taliyeyaasha Booliska & NISA [Yaa loo magacaabayaa..?]

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta la kulan gaara ku yeelanaya magaalada Muqdisho, kaasoo la sheegay in lagu magacaabi doono taliyeyaasha ciidamada Booliska iyo Nabadugidda.

Wararka laga helayo Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegaya in kulankan looga hadli doono magacaabidda iyo ansixinta labada taliye oo muddo ka badan saddex bilood ahaa kuwo maran oo aan lagu guuleysan in la buuxiyo.

Xogta aanu heleyno ayaa sheegaya in Taliyaha Hay’adda nabadsugidda iyo Sirdoonka NISA loo magacaabo Cabdi Jiinow Calasow oo hore u soo noqday Maareeyaha Dekeda Muqdisho iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo muddo dheer arrintan is mari waa ka taagnaa lagu asoo afjaray kulano is daba joog ah oo ka dhacay Madaxtooyada.

Taliyaha Booliska ayaa la isku hayaa laba sarkaal oo kasoo kala jeeda beesha Daarood, waxaana al sheegay in saaka laga gaarayo go’aankii ugu danbeeyay oo ay u badan tahay in loo magacaabo beesha sarkaal kasoo jeeda Beesha Ogaadeen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON