Monday, June 23, 2025

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo shirkoodii ugu horeeyay ku yeelanaya Magaalada Kismaayo

Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa u safraya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubba.

Wararka laga helay xafiiska Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa sheegaya in Shirka Golaha Wasiirada ee toddobaadkan lagu qaban doono magaalada Kismaayo, kadib markii uu madaxweynaha Jubbaland ku casuumay golaha wasiirada magaalada Kismaayo.

Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa Golihiisa Wasiirada xukuuamdiisa ku wargeliyay arrintan iyadoo diyaarado u qaadan doono magaalada Xeebta ku taalla ee Kismaayo, waxayna noqon doontaa markii ugu horeysay ee Golaha Wasiirada ku shiraan meel ka baxsan magaalada Muqdisho.

Ad

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa soo jeediyay in Golaha wasiirada ay shirarkooda ku yeeshaan xarumaha maamul Goboleedyada intii ay Muqdisho oo kaliya ku koobnaan lahaayeen, waxaana muuqata in dalabkaasi la fulinayo.

Goobjooge

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON