Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa shirkoodii toddobaadlaha ahaa goor dhoweyd uga furmay magaalada Muqdisho.
Shirkan ayaa ku soo beegmay xaalad cakiran oo ka dhex taagan Baarlamaanka, taasoo ka dhalatay Mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), waxaana lagu wadaa in si hoose looga hadlo arrintan.
Xukuumadda ayaa muddo saddex toddobaad ah ku mashquulan Mooshinka Jawaari, iyadoo aysan socon shaqooyinkii wasiirada xildhibaannada ah, waxaana sidoo kale la filayaa inay warbixino ka jeediyaan Wasiirada Amniga iyo Maaliyadda.