Jen. Xijaar “Ma noqoneyso sharci-darro Doorasho kasta oo lagu qabto goob kale”
Taliyaha ciidamada Booliska Gen. Cabdi Xasan Xijaar ayaa soo bandhigay goobaha ay tahay in lagu qabto Doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ay go’aamiyeen.
Qoraal uu u diray Ra’iisal wasaaraha iyo Guddiyada Doorashada ayuu ku faahfaahiyey 12 Goobood oo loo asteeyay inay ka dhacdo Doorashada Golaha Shacabka oo maamul Goboleed kasta laba magaalo ah, halka magaalada Muqdisho loo asteeyay xarunta Gen. Kaahiye iyo Afisyoone.
“Goobaha lasoo qiimeeyay meel aan ahayn laguma qaban karo Doorashooyinka, mana noqoneyso sharci doorasho kasta oo lagu qabto goob kale” ayaa lagu yiri qoraalka Taliyaha Booliska oo ka mida Guddiga Amniga Doorashooyinka.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA
