Monday, June 23, 2025

Goodax Barre oo halis ugu jira inuu waayo kursigii Baarlamaanka iyo 8 Musharax oo kula tartamaya

Waxaa magaalada Beledweyne ka dhacaya Doorashada laba kursi oo ka mida Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo si furan loogu tartamayo.

Kuraastan oo kal ah HOP011 oo udifaacanayo Wasiirkii hore ee Amniga C/risaaq Cumar Maxamed iyo HOP063 oo uu ku fadhiyey Wasiirkii hore ee Waxbarashada C/llaahi Goodax Barre ayaa xiiso gaara leh, kadib markii musharixiin far badna ay isu sharxeen.

Guddiga Doorashada Hirshabelele ayaa shaaciye in ilaa 9 murashax ay ku tartami doonaan kursiga tirsigiisu yahay HOP#063, kuwaasoo qaatay shahaadadii murashaxnimo.

Ad

Kursigaan ayaa waxaa ku tartamaya Murashixiintii ugu badnaaa taariikhda doorashada Golaha Shacabka Ee Hirshabelle iyo guud ahaan dalka, waana mid xiiso gara leh oo Berri la sugayo natiijadiisa.

HOP#063 oo uu hore ugu fadhiyey C/llaahi Goodax Barre oo ka mid siyaasiyiinta waaweyn ee Beeshiisa ayaa laga cabsi qabaa in laga qaado kursiga, isagoo wajahaya tartanka culus.

“Waxaan caawa qaatay shahaadada musharaxnimo Kursiga HOP #063 oo doorashadiisu loo qorsheeyay in ay dhacdo maalinta birri oo ay igula tartami doonaan 8 musharax oo kursigu ka dhexeeyo. Waxaan dhammaanteen marti u nahay reerka iska leh kursiga oo go’aamin doona shaqsiga ku matalaya Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS. Kursiga uu ku fadhiyey C/risaaq Cumar Maxamed waxa kula tartamaya Mushrax Murashax Maxamed Cumar Barrow, waxayna labadaba qaateen shahaadda musharaxnimo” ayuu yiri C/llaahi Goodax oo farriintan soo diray.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON