Waxaa magaalada Kismaayo goor dhoweyd looga dhwaaqay Guddi cusub oo Doorasho iyo xilliga la qabanayo Doorashada Madaxweynaha maamulka Jubbaland ee Isbaheysiga Isbedeldoonka kasoo horjeeda Axmed Madoobe.
Guddiga Doorashada ayaa ka kooban 13 xildhibaan, waxaana guddoomiye u ah Bakaal Cabdullaahi Kooke, iyadoo Guddigan uu isla markiiba soo saaray shuruudaha xilka Madaxweynaha iyo xilliga la qabanayo Doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo laga dhigay 22-ka bishan Ogost oo ah isla maalinta dhinaca kale ay dooranayaan Madaxweynaha cusub.
Beesha caalamka iyo Dowladda Federaalka ayaa ka digay qalalaase ka dhasha doorashada Jubbaland oo hadda u muuqata laba madaxweyne lagu dooran doono magaalada Kismaayo.
HOOS KA AKHRISO