Friday, July 11, 2025

Guddi Q/Midoobay u qaabilsan Cunaqabataynta Hubka oo la kulmay Ra’iisal Wasaaraha & Codsi uu hordhigay [Akhriso]

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi  ka socday Hay’adda Qaramadda Midoobay u qaabilsan cuna-qabataynta Hubka Soomaalliya. Wafdiga UN-ka waxaa hoggaaminayay Safiirka Qarmada Midoobay u fadhiya dalka Kazakhstan ee H.E Kiarat Umarow, waxaana Ra’iisul Wasaaraha uu u sharaxay xaaladda Soomaaliya, isagoona u sheegay horumarka ay Soomaaliya ka samaysay arrimaha Ciidanka iyo sida ay ugu diyaar gooroobeen in ay maamulan amaanka guud ee dalka.

Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa Q/Midoobay u jeediyay codsi ah in Soomaaliya laga qaado cuna-qabataynta hubka, maadaama ay awood u yeelatay in ay la socoto dhaqdhaqaaqa hubkeeda.

Amb. Mr Kiarat Umarow ayaa tilmaamay in ay Soomaaliya u yimaadeen sidii ay ugu kuur gali lahaayeen halka ay marayso cunqa qabataynta hubka ee Soomaaliya saaran iyo xaaladda guud ee dalka sida arrimaha Amniga, Dhaqaalaha, Geedi-socodka doorashooyinka iyo soo noqoshada kaabayaasha qaranimada Soomaaliya.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday Ra’iisul Wasaaraha oo u mahad celiyay wafdiga Qarmadda Midoobay sida ay u garab taagan yihiin Soomaaliya iyo caawinaada ay u fidiyaan dawladda iyo shacabkeeda.

SAWIRRO

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON