Monday, June 23, 2025

Guddiga Amniga oo shir uga socdo Madaxtooyada & Xaaladda Muqdisho & Mooshinka Jawaari oo miiska saaran

Kulan degdeg ah ayaa xarunta Madaxtooyada Somalia ee Muqdisho uga socda Guddiga Amniga Qaranka, iyadoo uu shir huddoominayo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Shirkan ayaa looga hadlayaa xaaladda amniga Muqdisho oo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Baarlamaanka ay ku soo kordhiyay cabsi dhinaca Amniga ah, kadib markii ay soo kordheen ciidamo hubeysan oo ay wataan xildhibaannada qaarkood.

Guddiga Amniga Qaranka oo uu Guddoomiye u yahay Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ka tiran Ra’iisal Wasaaraha, Wasiirada Arrimaha Gudaha, Amniga, Gaashaandhigga, Cadaaladda iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida.

Ad

 

Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inay gasho xaalad amni oo xoog leh Arbacadda Berri iyadoo lagu wado inuu furmo fadhiga Baarlamaanka uu guddoominayo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha C/weli Ibraahim Muudey, kulankaas oo codka kalsoonida loogu qaadayo guddoomiye Jawaari, balse ay ka horjeedaan Garabka xildhibaannada ee taageersan guddoomiye Jawaari.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON