Monday, July 14, 2025

Guddiga Aqalka sare oo Ra’iisal Wasaare Kheyre ka Dalbaday inuu Ciidamada qaado Xarunta Baarlamaanka [Jawaab yaab leh]

Guddigii Aqalka Sare ee Baarlamaanka u saareen Arrinta Mooshinka laga keenay guddoomiyaga Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa sheegay in kulan ay la yeesheen Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ay ka dalbadeen inuu ciidamada ka qaado xarunta Baarlamaanka.

Guddigan oo maanta Shir jaraa’id oo ku qabtay Muqdisho ayaa shaaciyey in Ra’iisal wasaare Kheyre kulankii ay la yeesheen ay uga dalbadeen inuu ciidamada cusub ka qaado xarunta Baarlamaanka, isla markaana xaaladda ku soo celiyo sidii ay ahayd mooshinka Jawaari ka hor, dibna loo soo celiyo ilaaladii Baarlamaanka.

 

Ra’iisal wasaare Kheyre ayay sheegeen Guddiga Aqalka sare ee uu hoggaaminayey Guddoomiye Cabdi Xaashi C/llaahi in jawaabtiisu ay noqotay inuu arrintaasi wax ka qabanayo, isagoo sheegay inuu kala hadlayo Taliyaha Booliska.

Arrinta ciidamada xukuumaddu geystay dhismaha Baarlamaanka ayaa cambaareyn weyn u soo jiiday xukuumadda Soomaaliya iyadoo beesha caalamka arrintaasi ku tilmaantay mid aan la aqbali karin, wuxuuna qodobkaasi noqday khaladkii ugu weynaa ee ay gashay xukuumadda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON