Guddiga Diyaarinta Xeerarka Dhammeystirka Sharciga Doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka ayaa maanta waxay kulan wadatashi ah la yeeshay Siyaasisiyiinta ka soo jeeda Gobollada Waqooyi.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa , waxaana fekradahooda lagu dhageystay Wasiirada, Xildhibaanadda, Xubnaha Aqalka Sare iyo Siyaasiyiinta kasoo jeedda Goboladda Waqoooyi oo uu hor kacayey Ra’iisul wasaare kuxigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.
Guddiga Dhameytirka afarta xeer ee Doorashooyinka ayaa raadinaya qaab doorasho uga dhici karto Gobollada Waqooyi ee la baxay Somaliland, waxaana kulankani uu ahaa mid looga doodayo sida ay noqoneyso metelaadda Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, iyado shirka uu guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga labada aqal ee Baarlamaanka Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow.







