Waxaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug kulan ku yeeshay Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Xubnaha Guddiga Dib u heshiisiinta maamulka Galmudug ee dhowaan la magacaabay.
Kulanka ayaa looga hadlay sidii ay howshooda u bilaabi lahaayeen Guddiga iyo Gogosha Dib u heshiisiinta Galmudug oo ka furmeysa magaalada Dhuusamareeb, waxaana kulanka oo ahaa kii ugu horeeyay ee Gudiga iyo Ra’iisal wasaare Kheyre la isku afgartay Geedi-socodka dib u heshiisiinta maamulka Galmudug.
Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka ganansiga, xildhibaanno labada gole ka tirsan, iyo madaxa fulinta Galmudug, ayaa looga hadlay shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo dardar gelinta shaqada guddiga u taalla iyo ka mira dhalinta dadaallada leesugu keenayo dhammaan reer Galmudug si ay uga tashadaan aayaha iyo dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddiga xasuusiyay shaqada adag ee loo igmaday in ay qabtaan, waxa uuna faray in sida ugu habboon, ugu dhaqsaha badan ugu daacadsan ay uga shaqeeyaan isu-keenidda bulshada, si gogosha Dhuusamareeb taalla ay uga soo baxdo natiijo farxad gelisa reer Galmudug iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, ayna Galmudug uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.
Guddiga ayaa sheegay inuu maalmaha soo socda soo bandhigi doonno Qorshaha Iyo Waqtiga uu furmayo shirka dib uy heshiisiinta Galmudug ee ka bilaaban doono Caasimadda Galmudug.