Tuesday, July 1, 2025

Guddiga Difaaca Baarlamaanka oo su’aalo adag weydiiyay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya

Guddiga difaaca Baarlamaanka Soomaaliya oo ay wehliyaan Guddoonka Baarlamaanka ayaa su’aalo adag weydiiyay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.Kulankan oo xalay ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee fadhiga guddoonka ayaa ka danbeeyay markii loo yeeray Ra’iisal wasaaraha si wax looga weydiiyo qorshaha ammaanka Qaranka ee muranka dhaliyay.

Xildhibaanada Guddiga Difaaca ayaa su’aalo badan weydiiyay Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo ay ugu adkaayeen su’aalaha ku saabsan doorka maamul goboleedyada ku leeyihiin ciidamada la dhisayo.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in Qorshaha ammaanka dalka uu yahay mid qaran oo aanay wax saameyn ah ku lahayn Maamulada Dalka, oo kaliya lagu tayeynayo ciidamada Qalabka sida.

Su’aalo badan iyo jawaabo ay is weydaarsadeen labada dhinac, waxaana laga dalbaday Ra’iisal wasaaraha inuu si degdeg Qorshaha oo faahfaahsan u soo gudbiyo Baarlamaanka, iyadoo uu wasiirk Gaashaandhiga hortegi doono fadhiga ugu horeeya ee Baarlamaanka.

Goobjooge.com

National Security Architecture: Qorshaha Amniga & Dib u dhiska Ciidamada Dalka [AKHRISO]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON